Tom Cruise oo David Beckham ka caawinaya inuu galo Hollywoodka.


Waxa uu doonayaa fanaanka caalamiga ah ee Tom Cruise inuu gacan kaalmo ah u fidiyo halyayga kubada cagta reer Ingiriis David Beckhma, si uu u noqdo jilaa filimada sameeya xiliyada soo socda, kadib markii uu si buuxda uga fadhiistay cayaaraha bishii hore.

Kusoo noqoshada Beckham ee Yurub ma ahan mid kama dambeys ah, waxaana sida muuqata mar kale uu ku laabanayaa dalka Mareykanka, ha yeeshee markaan kuma biirayo koox kubadeed ee waxa uu doonayaa inuu galo Hollywoodka, waxaana kaalmo buuxda ula diyaara jilaa Tom// //

Tom Cruise ayaa si cad u sheegay in David jecelyahay inuu ka qey qaato filim jilista, isagoo tilmaamay in mudo dheer uu ka balan qaaday in riyadiisa uu run u bedeli doono.

Wuxuu intaas ku deray Tom, Beckham weli waxa uu jecelyahay kubda cagta, laakiin waxa uu dareensanyahay in la joogo waqtigii ugu habooneed ee dhanka filimada loo weecan laha, weli waa yaryahay, wuxuuna heli karaa dowrar fiican.

Warkaan ayaa layaab  ku noqday taageera yaasha Beckham ee Manchester iyo Real Madrid, laakiin waxaa la tilmaamay in warkaan uusan been aheyn, waxaana lagu baahiyay dhowr wargeys oo kasoo baxa Mareykanka, welina wax jawaaba kama soo bixin David iyo Tom.

halkan ka dhiibo fikir kaaga

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s